Deg Deg:- Sheekh Aadan Macalin C/laahi oo lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala Magaalada Baydhabo.

0

Xoogag hubeysan oo wejiyada soo qarsaday, ayaa waxay xilli dambe oo xalay ahayd, ay hoygiisii ugu daateen Sheekh Aadan Macalin C/laahi (Sheekh Aadan War-iisho), iyagoona si xun ugu dhex dilay.

Hoyga la weeraray waxa uu ku yaallaa xaafada Berdaale ee Magaalada Baydhabo, waxa uuna weerarkaasi dhacay, xilli ay wada hurdeen dadka ku nool Xarunta Gobolka Baay.

Xoogaga weerarka geystay oo tiradoodu lagu sheegay ilaa afar nin, ayaa si qarsoodi ahayd ugu daatay hoyga Sheekh Aadan Macalin C/laahi, iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi.

Nin degan xaafada Berdaale, ayaa AGGM u sheegay in Ciidamada Dowladda ay saakay hawlgal ka sameeyeen xaafadaasi, ayna ka qab qabteen tiro ka mid ah dhalinyarada deegaanka, oo lala xiriirinaayo mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Ninkaan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa ku waramaaya in Sheekh Aadan War-iisho uu ahaa oday da’ ah, isla-markaana aan la garanayn waxa ay Shabaabku ku doorteen inay qaarajiyaan.

Taliska Ciidanka Booliska ee Magaalada Baydhabo wax war ah kama aanu soo saarin dilka Wadaadkaasi iyo hawlgalkii ka dambeeyay, ee dadka loogu soo qab qabtay dilkiisii.

Dilalka Magaalada Baydhabo loogu geysanaayo Culima’udiinka, ayaa waxaa toddobaadyadaan dambe dareemeysaa inay ku soo badanayaan Magaaladaasi, xilli aynaan Shabaabku sheeganayn masuuliyadda dilalka Culima’udiinka.

Toddobaadkii hore waxaa Magaalada Baydhabo lagu dilay Sheekh Xuseen Xasan (Soor Ma-daare), iyadoo saddex toddobaad ka horna lagu dilay Shariif Sayid Cali Shariif Nuur (Sheekh Siidkey).