Ciidamada Puntland Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Buuraha Gal-gala.

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waa uu ka dhacay buuraha Gal-gala ee gobalka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu ahaa mid culus, islamarkaana hub fud fudud iyo mid culus la’isku adeegsaday, iyadoo illaa iyo iminka aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee Labada dhinac soo kala gaaray.

Xaaladda halkii lagu dagaalamay xalay waa mid degan, waxaana ciidamada Puntland ay yihiin kuwo wada dhaq dhaqaaq ciidan.

Madaweynaha Puntland oo horay u hadlay waxa uu sheegay in Al-shabaab ay ka saareen Buuraha Gal-gala, hase ahaatee waxaa cad in weli ay halkaasi ka jirto awood ciidan oo dhanka Al-shabaab ah.

Al-shabaab ayaa sidaan oo kale horay waxa ay duulaan ugu qaadeen xarumo iyo saldhigyo ay ciidamada Puntalnd ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.