Top News: Dowladda Kenya Oo Axmed Madoobe Ina Adeerkiis Max’ed Dulyadeyn Madaxiisa Dul-dhigtay 5 Milyan Oo KSH Ah.

0

Saraakiisha booliska dalka Kenya ayaa lacag dhan 5 million oo lacagta Kenya ah dul dhigay 2 hogaamiye oo sar sare oo ka tirsan saraakiisha Xarakadda Al-Shabab oo dalka Kenya u dhashay.

Afhayeenka booliska Kenya Masoud Mwinyi ayaa u sheegay wakaaladda wararka Andalia ee dalka Turkiga inay siinayaan lacag dhan 5 million oo lacagta Kenya ah una dhuganta 48,000 oo Dollarka Maraykanka ah cid kasta oo keenta xog horseedi karta in lasoo xiro labo hogaamiye oo Al-Shabab ka tirsan kuwaasoo uu magacyadooda ku kala sheegay Max’ed Max’ud oo Dulyadeyn loo yaqaan iyo Axmed Iimaan oo Abu Zanira loo yaqaan.

Labadaan hogaamiye ayaa dawlada Kenya ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin weerarada Al-Shabab dalkaasi sida joogtada ah uga geystaan.

Booliska Kenya waxay aaminsan yihiin in Max’ed Dulyadeyn nin la yiraahdo inuu maamul dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsan oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka waxaana uu kasoo jeedaa oo uu ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka NFD.

Sidoo kale ruuxa labaad ee ay sdawlada Kenya raadinayso ee la yiraahdo Axmed Iimaan Abu Zanira oo ka ka qalin jabiyay jaamacadda Majengo ayaa Al-Shabab u qaabilsan u tababarida dhalinyarada ku biiraysa sida ay booliska Kenya sheegeen.

Dhinaca kale Maxamed Dulyadeyn ayaa waxa ay qaraabo hoose yihiin horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Horjoogihi hore ee Raaskambooni Xasan Turki.

Isku soo wada duuboo Qiyaastii 500 ruux oo dhalinyaro Kenyan ah ayaa la aaminsanyahay inay ka mid yihiin dagaalamayaasha falaagada argagixisada ah ee Al-Shabab.

axmed madoobe