Wargayska The Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu qoray warbixin uu sheegay inuu kasoo xigtay hay’adaha sirdoonka Maraykanka oo sheegaysa tirada dhalinyarada Soomaalida Maraykanka ka tagay ee hadda u dagaalama ururka Daacish.
Warbixinta wargayskaan lagu qoray ayaa sheegaysa in qiyaastii 15 muwaadin oo Soomaali ah oo kasoo tagay Minnesota oo kaliya inay hadda ku sugan yihiin magaalooyin ku yaala dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayagoo ka bar bar safan dagaalamayaasha kooxda Daacish.
Dadka illaa hadda la aqoonsaday waxaa ka mid ah muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Max’ed oo ka mid ahaa Soomaalida Minnesota waxaana mar ay waraysatay Idaacadd Maraykanka ku taala uu sheegay inuu ka mid ahaa kooxdii qabsatay magaalooyinka Muusil iyo Tikrit oo dalka Ciraaq ku yaala sanadkii hore.
C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda la yiraahdo Minnesota Public Radio waxaa uu sheegay inuu aaminsanyahay inuu u dagaalamayo Alle dartiis sida uu yiri.
Hay’adaha sirdoonka Maraykanka waxaa ay sheegeen inay hadda hayaan tirokoobka Soomaalida Minnesota ka tagtay kaliya hase ahaatee ay jiraan Soomaali haysata dhalashada Maraykanka oo Dacish u dagaalama.
Sidoo kale Soomaali kale oo aan tiro yarayn oo iyana kasoo tagay wadamo kale oo Ingiriisku ka mid yahay ayaa u dagaalama kooxda Daacish oo ka dagaalanta wadamada Syria iyo Ciraaq.
Hay’adda fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa warbixin ay habeen ka hor soo saartat waxay ku sheegtay in kooxda Daacish ay ku biireen danadkii lasoo dhaafay in ka badan 20,000 oo dagaalame.