Kalfadhiga 5-aad Ee Baarlamanka Soomaaliya Oo Lasoo Xiray…

0

Munaasabad lagu soo xirayay kalfadhigga 5-aad ee baarlamaanka oo ay ka qeyb galeen xildhibaanno, raysul was are ku xigeenka xukuumadda cusub iyo masuuliyiin kale ayaa xalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaannada laga doonayo u diyar garowga kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka oo dhawaan furmaya, isagoo ku dhiirrageliyay inay ku dadaalaan sidii ay qeyb ugu qaadan lahaayeen xaqiijinta hiigsiga cusub ee 2016-ka.

Wuxuu tilmaamay in mudanayaasha baarlamaanka ay meel mariyeen xeerar badan oo faa’ido u leh dalka, kuwaasoo qeyb ka ahaa howlaha xildhibaannada baarlamaanka, isagoo xusay in muddada uu jiro baarlamaanka wax badan la qabtay.

Raysul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Maxamed Cumar Carte ayaa tilmaamay in xildhibaannada ay wax badan qabteen muddadii ay shaqeynayeen, isagoo ugu mahadceliyay ansixinta xukuumadda cusub.

Kalfadhigga 5-aad ee mudanyaasha baarlamaanka ayaa ahaa kii ugu adkaa, waxaana dhacday inay ku kala aragti duwanaadeen arrimo badan oo ay kamid aheyd ansixinta xukuumadda Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid.