Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud oo Maalmihii la soo dhaafay uu ka jiray Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna ayaa maanta waxaa gaaray Siyaasiin iyo Waxgarad ku baxay Joojinta Dagaalkaasi.
Wafdi ka baxay Degmada Dhuusomareeb oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Nabadoon C/llaahi Geedi Shadoor ayaa gaaray Degmada Gurceel,waxaana ujeedka Wafdigaas uu yahay in ay Xaliyaan Colaada ka taagan Gurceel.
Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta gaaray Gurceel ay la kulmeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ka dalbadeen in la joojiyo Colaada,waxaana sidoo kale ay la balansan yihiin Dhanka Ahlusunna.
Hoos Ka dhageyso Warbixin: