War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ku toogteen Gudoomiyihii Cayaaraha ee Dagmadaasi.
Goobjoogayaal goobta ku sugnaa ayaa inoo xaqiijiyay in Gudoomiyaha lagu magacaabi jiray C/raxmaan Yuusuf Cosoble (Nuune cagaweyne) iyagoona sheegay in dilka uu ka dhacay Xaafada siisi ee isla Degmada.
Waxa ay intaa kusii dareen in Marxuumka lagu dhuftay dhowr xabadood, balse Kooxdii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeed dilka kadib.
Marxuumka ayaa la dilay xili uu kasoo baxay Barxad lagu dheelo banooniga, waxa uuna xiligaasi kusii jeeday Hooygiisa.
Nuune cagaweyne, ayaa dhowr jeer oo sii horeysay ka baxsaday mishino ceynkaasi ah oo lagu doonaayay in lagu qaarijiyo.
Dilka kadib sida caadaduba aheyd waxaa goobta gaaray Ciidamada Amaanka oo halkaasi ka sameeyay Howlgalo lagu baadi goobaayo dadka dilka fuliyay.
Home Interviews Deg Deg:- Gudoomiyihii Ciyaaraha ee Degmada Dayniile oo goordhow muqdisho lagu dilay.