Sawirro:- Xasan Shikh Oo Kulamo la Qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Gelle.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaana garoonka diyaaradaha Dalkaasi ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo kulan gaar ah ay wada qaateen labada madaxweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankooda waxa ay kaga hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira wadamada geeska Africa, iyadoo madaxweynaha dalka uu u sharaxay horumarka Dowladda ay ku tilaabsatay iyo howlaha baaxadda leh ay ka socda Dalka.

Sidoo kale waxaa Waxyaabaha Muhiimka ah Ee Kawada Hadlayaan Kamid Ah Sidii Ay iskaga Kaashan Lahaayeen Ka Hortaga Argagixisadda Ayadoonna Madaxweynuhu Sidoo Kale kulamo La Qaatay Diblamaasiyiin Kala duwan.

xasan2

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu mahadceliyay madaxda dalka howsha baaxadda leh ay u hayaan dalka iyo dadka isagoo bogaadiyay horumarkaasi, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladuba in xil weyn ay iska saarto xoojinta ammaanka iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi kaddib u baqoolay dalka Jarmalka, Waxaana Dowladda Jabuuti ay tahay saaxiib iyo walaal dhow iyadoo Soomaaliya had iyo jeer u muujisa taageero iyagoo ku garab taagnaa in mar kale Soomaaliya ay  soo ceshato Dowladnimadeedii.

xasan