Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku baaqay in la joojiyo Dagaalka ka soconaya Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.
Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga Xumaado in Gobolka Galgaduud oo uu ka socdo Shirar Dibu heshiisiin ah iyo qaban qaabada Shirka Gobolada dhexe in dagaal uu ka dhaco.
“Maamulka Galmudug waxaa uu Codsanayaan in Dagaalkaasi Sharuud la’aan loo joojiyo oo laga qeyb qaato maamul usameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud si dhibka looga baxo”ayuu yiri Qeybdiid.
Hadalka Galmudug ayaa imaanaya,iyadoo Saaka uu Dagaal dib uga qarxay Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: