Deg Deg :- Dagaal Ka Qarxay Guriceel iyo Wararka Qaar sheegaya in Dowladdu La wareegtay.

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Ku waramaya in uu hada ka bilowday Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna.

Wararka Qaar Aan heleyno Ayaa sheegaya in Ciidamadda ahlusunna laga saaray magaaladda gurcieel oo ay dib ula wareegeen kuwa Dowladda Laakiin wali lama xaqiijin Arintaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu ka bilowday Bartamaha Magaalada Gurceel islamarkaana hada ay socoto Rasaas Xoogan oo ay isweydaarsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

Afhayeenka Ciidanka Ahlusunna Oo Aan La xiriirnay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan gabi ahaan Magaaladda Guriceel, Asaga Oo Beeniyay in Ciidamadda Ahlusunna Lagala wareegay Dagmadaasi.

La soco wixii war ah ee ku soo kordha: