Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Xalay Munaasabad u qabtay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana Munaasabada ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya,Gudoomiyaha Baarlamaanka,Ra’iisul Wasaaraha Wasiirada Cusub ee Xukumadda iyo Xildhibaanada.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa amaanay Baarlamaanka Soomaaliya sida wanaagsan ee ay u meelmariyeen Golaha Wasiirada Cusub oo dhawaan ay Ansixiyeen.
“Baarlamaanka Federaalka waan umahadcelinayaa sida Qurxoon ee ay Codka u siiyeen Golaha Wasiirada,Xukumadda Cusub waxaan u bixiyay Guul qaran oo ah Qaranka Guuleeystay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaake.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: