(Dhageyso) Ciidamada AMISOM ee Jabuuti oo Lagu Eedeyey in Ay Baladweyne ku Dileen Dhaqtar.

0

ad isugu jira dhalinyaro iyo waxgarad maanta shir ku yeeshey magaalada Baladweyne ayaa ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti ku eedeeyey in ay toogasho ku dileen nin dhalinyaro ah oo xirfadle caafimaad ah xili ay magaalada ka socdeen dagaalo beeleedyo.

Ninka lagu eedeynayo in ay AMISOM dishey ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Dr. Cabdinaasir Ibraahim Axmed, waxaana la sheegey in ay ku dhacday rasaas ay rideen ciidamada AMISOM maalmo ka hor, waxayna dadkani hadlay codsanayaan in jawaab laga bixiyo ninka la diley.

Mid ka mid ah dadkii warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Anagoo ewelba dhaliilo badan ka tabanaynay, oo dano gaar ah u shaqaynaysay, hadane in ay naga dilaan dhaqtar caan ah oo bulshada u shaqeynayay, waxaan cambaareyneynaa ciidanka AMISOM ee Jabuuti, waxaanan leenahay haddii ay yihiin ciidamada nabad illaalinta AMISOM waxaa loo keeney in ay nabada iyo amniga xasiliyaan”.

AMISOM ayaanan iyagu wali dhankooda ka hadlin dilka dhacay iyo eedeymaha loosoo jeediyey.