Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.
Soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftiga la socda waxaa si habsami leh uga qeyb qaatay masuuliyiin sare oo katirsan dawladda Ethopia, kuwaasi oo diyaar garoow xoogan ugu jiray soo dhaweynta madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxda dalkaasi waxana uu magaalada Addis Ababa uga qeyb geli doona mudada uu joogo shirar muhiim ah.
Hoos Ka Daawo Sawiradda: