DEG DEG: Ciidamada Ahlu Sunna oo La wareegtay Gacan Ku Heynta Guriceel.

0

Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in ciidamada Ururka Ahlu Sunna ay la wareegeen gacan ku haynta Magaaladasi.

Dagaal saaka ciidanka Ahlu Sunna ay ku soo qaadeen Magaalada Guriceel, ayaa la xaqiijiyay inay ugu suuragashay inay la wareegaan Magaalada oo ay ka saaraan ciidamada Dowladda.
Khasaaraha dagaalka ka dhashay inkastoo uu badan yahay, hadana wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in saddex ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ay halkaasi ku geeriyoodeen.
Sidoo kale Ciidamada Ahlu Sunna ayaa hada si buuxda gacanta ugu haayo Guriceel oo ciidamada dowladda xoog ayaa looga saaray Magaaladaasi.
Dadkii shacabka ahaa ee Magaalada deganaa ay ka barakacay Magaaladaasi, si dagaalka uusan dhibaato uga soo gaarin.
Dagaalkaan Ahlu Sunna ay kula wareegtay Magaalada Guriceel, ayaa kusoo aadaya, xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ku wajahan yahay Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galgaduud.