Iyadoo ay soo baxayaan Warar sheegaya in uu socdo Moowshin looga soo horjeedo in uu fadhiga Barlamanka Shir gudoomiyo Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya iyo in xilka laga qaado ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada waxa ay ku tilmaameen qorshaha socda wax laga xumaado.
Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in Moowshinka uu yahay jahwareer oo aan loo baahneyn in xiligaan lagu soo beego oo Wadanka uu ku jiro Xaalad Siyaasadeed oo aan cago badan ku taagneen
Xildhibaan Saciid Geedi ayaa sheegay in Gudoomiyaha uu Shir gudoominayo Barlamanka oo cid is hortaagi karto aysan jirin isaga oo ku amaanay Gudoonkaan aqoontiisa iyo kartida uu u leeyahay inay socdaan howlaha Barlamanka.
Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Barlamanka uu hada Shir gudoominayo fadhiga Barlamanka Soomaaliya ee lagu horgeynayo Xukuumadda.