Boqolaal Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Columbus Ohio ayaa si weyn u soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Bashiir Xaaji Gurxan oo dhawaan soo gaaray dalka Maraykanka.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa loogu qabtay Hotelka Ramada ee ku yaala magaalada Columbus, waxaana soo buuxdhaafiyay Aqoonyahan, Waxgarad, Odaydhaqameed, Cuqaal, Haween, iyo qeybaha bulshada.
Mudadii ay xafladu socotay ayay dadku inta badan diirada ku saarayeen wax qabadka maamulka Puntland, iyo dowlada uu madaxweynaha ka yahay Dr. C/wali Cali Gaas oo mudo hal sano ah iminka jirsatay.
Ahmiyada Nabada iyo maamulku u leeyihiin noole walba oo meel dagan ayaa lagu xusay mudadii ay socotay xaflada taas oo Puntland lagu Tusaalaynayay in ay qaadeen talaabooyin ku dayasho mudan.
Wasiiro hore oo Puntland ka soo shaqeeyay iyo waxgarad xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya ayaa dhankooda muujiyay sida loogu bahanyahay in la helo midnimo Soomaaliyeed oo ku qotonta is faham bulshada ka dhex abuurma, iyo in Soomaalidu dhexdooda ka xaliyaan wax walba si loo gaaro midnimo, loogana gudbo caqabada dalka ka jira.
Bashiir Xaaji Gurahan Wasiiru dowladaha Madaxtooyada Puntland waxa uu ka sheekeeyay wax qabadaka Maamulka Puntland mudadii sanadka ahayd ee la soo dhaafay, iyo in ay gaareen Guulo dhinacyo badan.
Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay sidii jaaliyaddaha dibada loogu dhiirogalin lahaa Maalgashiga Puntland, iyo in la dhiirigaliyo ganacsatada reer puntaland iyo cid walba oo doonaysa in ay maalgashadaan Puntland isaga oo kaga dhawaaqay meesha gudiga loogu magac daray“puntland diaspora forum” oo ka shaqeyn doona isku xirka dhinacyada doonaya in ay maalgashi ku samaystaan puntland iyo maamulkaasi.
Waxa uu socdaal ku tagi doonaa gobolo badan oo ay ku noolyihiin jaaliyada Puntland ee Maraykanka isaga oo u gudbin doona Fariimaha uu xanbaarsanyahay..
Hoos Ka daawo sawiradda: