(Sawirro) Ugaaska beesha Sade iyo waftigiisa oo si diiran looga soo dhaweeyey magaalada Garbahaarey.

0

Wafti ballaaran oo hor-kacaya Ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Xaashi ayaa si diiran luugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Jaalle Siyaad ee magaalada Garbahaarey.

Waftigaan oo kasoo duuley magaalada Muqdisho ayaa hordhac u noqon doono Ergada beesha Sade ee ka qeyb galeysa Shirweynaha midnimo 2 ee dhawaan ka furmaya magaalada Garbahaarey.

Boqolaal shacabka reer Garbahaarey oo ruxaya caleema qoyan ayaa Ugaaska iyo waftigiisa ku soo dhaweeyey Garoonka weyn ee diyaaradaha ee Jaalle Siyaad, kuwaasoo ku dhawaaqayay halku-dhegyo muujinayo sida ay ugu faraxsan yihiin Ugaaska iyo waftigiisa.

Soo dhaweynta Ugaaska iyo waftigiisa ayaa waxaa si gaar ah oga dhex muuqdey Guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi kaliil iyo guddoomiyaha degmada Garbahaarey Iimmaan Caddoow kaarshe iyo waliba masuuliyiin sar-sare oo kamid ah maamulka Gobalka Gedo.

Ugu dambeyn Ugaas Maxamed Xaashi iyo waftigiisa oo aad maqsuud oga ah soo dhaweynta ballaaran ee Shacabka Garbahaarey ayaa waxaa loo soo galbiyey hoolka weyn ee loogu talagaley inuu ka furmo Shirweynaha midnimo, kaasoo qudhiisa ay kala kulmeen soo dhaweyn hor leh.

Hoos ka arag sawirradda Waxaanse idinka Raali Galinaynaa Aragga Sawiradda Oo Aan Aheyn Mid Aan si wanaagsan loo qaadin:

7 6 5 4 3 2