Shirweyne aad u xaamasad iyo Qiiro badnaa oo ay isu yimaadeen Beesha SADE ee Jamhuuriyda Federaalka Jarmalka degan habeenkii sabtida ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhambaallo in tooda badan aad iyo aad u xamaasad badnaa oo looga hadlayey waxa Beesha SADE Mustaqbalka looga fadhiyo ama laga sugayo in ay hore umariso hadey noqon lahayd xagga Adeega Bulshada degaanada ay degto beesha Sade , sidoo kale Arimo badan oo xagga siyaasada taabanayey, waxaa kaloo lagu soo qaaday arimo badan oo ay dadku aaad iyo aad uga maqsuudeen oo ku saab saqab sanaa sida waqtigan xaadirka ah ay Bulshada Sade ugu baahan tahay MIDNIMO waarta, taas oo lagu gaari karo bay yiraahdeen in laga wada shaqeeyo sidii:
Hoos Ka Arag Go”aamadda Ka soo Baxay shirkaasi.
1-Taagerero buuxda loo siin lahaa shirweynaha MIDNIMO2
Ee dhawaan ka furmayo magaalada Gerbahaareey ee gobolka Gedo
2-In dhaqaale taageerid ah loogu deeqo shirkaas, la lana shaqeeyo dhammaan jaaliyadaha kale ee Yurub iyo w/Ameerika ee ayagu dadaalka xoogan ugu jira soom dhaweynta shirkaas.
3-In Siyaasi, odey-dhaqameed ,Aqoonyahan iyo Culimaa`udiinba isku meel looga soo jeesto MIDNIMADA SADE.
4-In la taageero Maamul u sameynta gobolada dhexe si hufana looga qayb qaato,lana soo dhaweeyo go`aamada ka soo bixi doona shirka dib u heshiisiinta ee Dhuusa mareeb waa haddii bay yiraahdeen aanan cidna lagu duudsiineynin,laguna dulmeynin.
5-In Jaaliyada SADE ee Jarmalka ay si toos ah uga qayb qaadato xag fikrad iyo dhaqaaleba shirka MIDNIMO2 inta uu socdo soona dhaweyso go’aamada ka soo baxidoona.
6- In si nabad iyo xasiloono ah loo soo dhaweeyo dadyowga Dariska la ah Degaanada ay degto Beesha SADEn sid Gedo,Jubbooyinka,Galgaduud,iyo Klinka 5aadba.
Shirkaas waxaa Jaaliyada kala qayb qaatay Rug caadaa xagga khadka Telphone-ka uga jiray USA-MP aadna ula dardaarmay Jaaliyda kana warbixiyey Midnimo1 iyo guulihii laga dhaxlay,sidoo kale waxaa jaalida siiyey warbixin dheer oo dhinacyo badan taabaneysay Qoraa yaashii iyo isku dubaridayaashii DASTUURKA MIDNIMADA SADE YURUB oo ayaguna khadka Tephone-ka uga jiray wadamada UK iyo Netherlands waxayna aad iyo uga dardaarmeen in la dar-dargeliyo hawsha balaaran ee Jaaliyaduu hayso Adeega Bulshadeeda sidoo kale waxay ku amaaneen iskuduubnida jaaliyada iyo qaxqabakeeda sanadadi ugu danbeeyey.
DHAMAAD.
Qoraalkaan Waxaa Na soo Gaarsiiyay Dr.Mohamud Surdheer.