Muqdisho: Shaqaale ka tirsan wasaaradaha dowladda oo dhammaystay tababar.

0

Tababar ku saabsan diyaarinta qorshe-sannadeedka dowladda ayaa magaalada Muqdisho maanta loogu soo gabagabeeyay shaqaalaha waaxyaha qorshaynta ee wasaaradaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Tababarka oo socday saddex maalmood, ayna qaban qaabisay wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda Qarammada midoobay u qaabbilsan horumarinta ee UNDP ayaa halku-dhig looga dhigay ‘Qorshe la’aani waa aragti la’aan’.

Xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah, Siciid Cabdi Diirshe oo ka hadlay xiritaankii tababarka ayaa sheegay in tababarka lagu bartay uruurinta macluumaadka ku saabsan horumarinta qorshahaynta.

Siciid Cabdi Diirshe ayaa rajo ka muujiyay inay sannadkan soo saaraan qorshe ay ku shaqayso dowladda iyo tababarro dheeraad ah oo la siiyo shaqaalaha waaxyaha qorshaynta ee wasaaradaha.

Wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah, Siciid Cabdullaahi Dani oo aan wali wareejin xilka wasaaradda ayaa ujeeddada tababarka ku sheegay sidii loo heli lahaa qorshe rasmi ah oo ay ku shaqeeyaan hay’adaha dowladda, wuxuuna tilmaamay inay diyaariyeen qorshaha dowladda ee shanta sano ee soo socota.