Faah Faahin:- Kulanka Baarlamaanka oo goor dhow furmay, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada oo goob joog ah.

0

Kulanka Baarlamaanka ayaa goor dhow furmay, iyadoo kulanka ay soo xaadireen ilaa 220, kuwaasoo la filayo in Xukuumada codka kalsoonida u qaadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada magacaaban ayaa xarunta Golaha shacabka ku sugan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa shirka gudoominaya, iyadoo uu hareer fadhiyo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Mahad Cawad.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka hor jeedin doono khudbad uu uga codsanayo Xildhibaanada inay codka kalsoonida siiyaan.

Labo jeer oo hore ayaa Xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu ay mari weyday baarlamaanka, isagoo labadaas jeer dalbanayay muddo kordhin uu ku soo dhiso Xukuumad dhameystiran.

Inkastoo gelinkii hore ee saaka lagu dilay magaalada Muqdisho Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabayay C/llaahi Qayaad Barre, hadana kulankii Baarlamaanka ma u baaqan.

Hadal heynta ugu badan ayaa ah inay Xukuumadda heli doonto codka kalsoonida, hase yeeshee waxaa laga yaabaa in wax kasta is bedeli karaan, iyadoo ay jiraan Xildhibaano diidan Xukuumadda cusub..