Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegteen Mas’uuliyada weerarkii maanta barqadii lagu dilay Xildhibaan katirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
War lagu qoray Warbaahinta Internet-ka Ururka Al Shabaab ayaa lagu faafiyey in dilka Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre ay iyagu ka dambeeyeen.
Al Shabaab ayaa waxey sheegeen in Xildhibaankaasi ay ku dileen islamarkaana ay kol hore ku hanjabeen in Shabaab ay dili doonaan xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Shabaab ku dilaan Magaalada Muqdisho Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.