Daawo Sawirrada:- Qaabkii Maanta Loo Dhaariyay Golaha Wasiiradda Cusub Ee Somaliya.

0

Xarunta Hoolka Shacabka Ee Magaaladda Muqdisho Maanta Waxaa Lagu Dhaariyay Golaha Wasiirada ee dhawaan Uu magacaabay Reysulwasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa Golaha Wasiirada ku dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, isagoona ku dhawaaqaayay dhaarinta, halka Wasiiraduna ay ka daba dhawaaqayeen.

Lama wada dhaarin Golaha Wasiirada ee Xukuumadda oo idil, balse intoodu badan baa la dhaariyay, sababo ku aadan Wasiirada oo aan wada imaan Xarunta Golaha Shacabka.

Wasiirada aan imaan Golaha Shacabka, ayaa waxaa laga tilmaami karaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xersi Aadan Rooble, oo dhammaadkii toddobaadkii hore lagu xiray dalka Itoobiya.

Wasiir Ku Xigeenka oo ku socdaalaayay basaboor diblomaasi ahaa, ayaa waxaa la soo sheegayaa inaanu safarkiisu ku wargelin Safaaradda Somalida ee Magaalada Addis Ababa, taasina ay ka dambeysay xarigiisa.

Dowladda Somaliya, ayaa waxay wadaa dadaalo ah sidii xabsiga looga soo saari lahaa ninka ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Tallaabada maanta codka kalsoonida lagu siiyay Golaha Wasiirada cusub, ayaa waxay ka dhigan tahay neef weyn oo ka soo fuqday Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.

Hoos Ka Daawo sawirada:

caynte-450x253 diini-450x253  Wasiirada Wasiirada1 Wasiirada3 Wasiirada4 Wasiirada5 Wasiirada6 xildhibaano-450x253