Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo ''Faahfaaahin''

0

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay  Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay  Weerar ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Cornel C/llaahi Isaaq oo ah Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Buurdhuubo ayaa sheegay in Al-shabaab Dagaalka looga dilay ilaa 2 Dagaalame,waxaana uu sheegay in dhankooda Hal Askari uu Dagaalka uga dhintay.

Al-shabaab wali kama hadlin Dagaalka ka dhacay Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Koofur Galbeed Soomaaliya.