Dhageyso:- Wasiir ku xigeen iska casilay xilkii loo magacaabay.

0

Mid kamid ah xubnaha Wasiiru ku xigeenada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii loo magacaabay, kadib markii uu sheegay inaan lagala tashan xilkaasi.

C/raxmaan Kulmiye Xersi (C/raxmaan Dheere) oo xilka Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga loo magacaabay, ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaasi ka tagay.
C/raxmaan Dheere ayaa sababta xilkaan uu isaga casilay ku sheegay inay tahay inaan wax badan oo wadatashi ah lagala sameynin habka magacaabista Xilkaasi, sidoo kalena sababaha uu isku casilay inay qayb ka tahay in habka awood qaybsiga dalka aysan waafaqsaneyn.
Wuxuu sheegay inuu la tashiyo la sameeyay Xildhibaano iyo siyaasiyiin beeshiisa kasoo jeeda, kadibna uu qaatay go’aankaasi.
C/raxmaan Dheere oo u waramaayay BBC ayaa tilmaamay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uu si cad ugu sheegay inuu xilkaan ka tagay oo uu iska casilay.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay iscasilaada C/raxmaan Dheere oo xilka Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaashaandhiga horay usoo qabtay, inkastoo Wasaarada Gaashaandhiga kolkaan loo yeelay labo Wasiir ku xigeen oo koowaad iyo labaad kala ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka”