Sawirro:- Equatorial Guinea oo ganaax adag lasaaray kadib rabshadii xalay.

0

Dalka marti gelinaya koobka Africa ee Equatorial Guinea ayaa ceebi usoo hoyatey Xalay kadib markii ay daawadayaashii kulankii Xalay Ghana ay ladheeleen ay tabshad ka kakiciyeen Garoonka Cayaartu kasocotey waxaana dib u dhac kuyimid Cayaartii mudo 35 daqiiqo ah.

Xulka marti gelinaya koobka Africa ayaa lasheegayaa in Xiriirka Caf ku ganaaxay in ay bixiyaan lacag dhan £65,000 sidoo kalana markale laga fiirsan doono dalkaan yar oo markii hore lays lahaa sharaf ayaa usoo hoyatay markii Marocco diidey qabashada Koobkaan isla markaana Africa u xulatay qabshada.

Shir ay isugu yimaadeen Xiriirka Kubada cagta qaarada Africa ayaa lagu Goaamiyey Ganaaxa lasaaray dalka Equatorial Guinea oo Xulkiisa xalay loogu awood sheegtay 3-0 markii Ghana ay faraha kudhigtay laakiin waxaa dhacay wax ceeb ku ah Koobka Africa iyo dalka Sanadkaan Marti gelinaya  Africa Cup of Nations waxaana sidoo kale dawlada dalkaas ay aad u canbaareeyeen kuwa Rabshada ka abuuray garoonka dad badan ayaana Xabsiga ladhigay lana baarayaa lugtii ay kulahaayeen wixii dhacay Xalay.

Hoos Ka Arag Sawiradda Wixii Xalay Dhacay:

268 451 635 728 825 920 1019 1123 1219 1316 1416 1514 1612 1711 1810 1910 2112 2212 2311 3110