(Sawirro) Xagee Marayaa Koobkii Qaramadda Qaaradda Africa.

0

Waxaa Si Xowli Ah Usoconaya Koobka Qaramadda Qaaradda Africa  Ivory  Coast ayaa jaratay tikidkeedii final ee tartanka Africa Cup of Nations markii labaad sadexdii jeer ee ugu danbeeysay,kadib markii ay xaley 3-1 ku garaaceen xulka Congo DR kulankii nus-dhamaadka.

The Elephants,ayaa lagu xusuustaa in gool-kulaadyo lagu reebay kulankii semi-finalka ee ay Zambia la dheeleen kal hore,laakiin xidiga kabtank ah ee khadka dhexe  Yaya Toure ayaa hogaanka u dhiibey daqiiqadii 20aad laakiin DR Congo ayaa heshay 4 daqiiqo kadib gool-kulaad waxaana gool u bedelay  Dieumerci Mbokani, hase yeeshee weeraryahanka kooxda Roma Gervinho ayaa intii aysan dhamaan qeybta hore daqiiqadii 41-aad mar kale hogaan u dhiibey xulkiisa isagoo ka dhigey in lagu kala nasto 2-1.

Markii dib loo soo laabtay ayey DR Congo muujiyeen kubad wanaagsan iyagoo dhowr fursadood ku helay goolka Ivory Coast xidigaha  Jeremy Bokila‘Yannick Bolasie iyo Mbokani ayaana sameeyey fursado inkastoo aysan gool helin,waxaana rajadii xulka labada jeer qaaday AFCON u dhameeyey Wilfried Kanon daqiiqadii 68-aad sidaana maroodiyayaasha 23-sano kadib ay ku doonayaan ineey qaadaan koobka iyagoo sugi doona xulalka Ghana ama Equitorial Guinea oo caawa dheeli doona.

Hoos Ka Arag Sawiradda Ciyaarta:

2015256355870351298522146071560-3x2-700x4672015256355870352476362511408786-30172438-1600-900201525635587035355619161B9BqbBTIUAARm3o201525635587035434916776hi-res-88554a19dda1e8b3ef3b39f97c87a4d6_crop_north201525635587035569982058DR_Congo_Ciyaaryahan201525635587035684850670_80793734_ivorycoast201525635587035864306824Ivory_Cost_Ciyaaryahan