Qaar Kamid Ah Odayaasha iyo Kaluumeysatadda Xeebaha Puntland Ayaa wali Ka Walaacsan Jariifka iyo Boobka Lagu Hayo Kheyraadka Biya Puntland, Iyagoo Ka Dalbaday Dowladda Punland Iney Ka Dhabeyso Balanqaadkeeddii Ahaa Waxkaqabashadda Jariifka Baddeena.
Maxamed Axmed Maxamuud (Gorod Caloolgaalle) Oo Kamid Ah Odayaasha iyo Dadka Ka Kaluumeysta Xeebaha Dhaca Goboladda Bari iyo Gardafuu, Ayaa isagoo Ku Sugan Xeebaha Dagmadda Caluulla Waxaa U sheegay iney Qaati Ka Taaganyihiin Doomo Waaweeyn Oo Wata Shabaago iyo Qalab Casri Ah Oo Ay Ku soo Jiidanayaan Kaluunka iyo Ugxaantiisa iyago Oo Aan Reebeynin Okumaha iyo Halka Ay Gabaadka ka dhigtaan Kulaanka.
Waxaa Uu intaas Ku Daray Gorod Caloolgaalle, in Doonyahaasi Ay Wataan Hub Waaweyn Oo Ay Kamid Yihiin Qoryaha Dhashiikayaasha iyo Kuwa Madaafiicda, Waxaanna Hubkaasi Ay Ku Ridaan Kuluumeysatadda Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Xeebaheenna, Isagoo Xusay in Qasaarro Ay Ka Soo Gaarto Qalabkoodda iyo Waliba Dadka Ka Shaqeysta Xeebahaas.
Ugu Danbeyn Ayuu Dowladdahii Soo Maray Puntland Ku Eedeeyay Waxkaqabasho La”aanta Doomahaasi sida Sharici darada ah Oga Kaluumeysanaya Xeebaha Hoostaga Deegaanadda Puntland Isagoo Ugu Baaqay Dowladda Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas Iney Ka Dhabeyso Balanqaadkii Ahaa Iney wax Ka qabanayaan Jariifka Aan Sharciga Aheyn.
Maaha Markii Uhoreysay Oo Cabasho Noocaan Ah Ay Ka Soo yeerto Dadka Kaluumeysatada Ah Ee Ku Nool Xeebaha Dhaca Deegaanadda Puntalnd.
Hoos Ka Dhageyso Codka”