Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maamul goboleedyada dalka ka jira muhiim u yihiin in doorasho xor iyo xalaal dalka ka dhacda sanada soo socda ee 2016.
Siihayaha Wasiirka arimaha Diinta iyo Awqaafta ahna ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Ridwaan Xirse Max’ed ayaa sheegay in sida balantu tahay in sanadka 2016-ka dalka ka dhacdo doorasho,islamarkaana maamul goboleedyada dalka ka jira hormuud ka yihiin sidii doorashadaasi sidii loogu tala galay ugu qabsoomi lahayd dalka.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha,ra’iisal wasaaraha iyo Baarlamaanka intaba ka warqabaan arintaasi,islamarkaana la doonayo in si wada jir ah lagaga mira dhaliyo aragtidaasi fog.
Ridwaadn Xirse Max’ed ayaa tilmaamay in maamulka Puntland uu yahay maamul goboleedyadii ugu horeeyay ee dalka ka hanaqaaday,muhiimna ay yahay inuu qeyb ka qaato sidii Shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa inay codkooda shaqsi ay doonayaan ku soo xushaan ama ku soo doortaan.
Hadalka siihayaha wasiirka wasaarada Diinta iyo owqaafta ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay magaalada Muqdisho ay soo gaareen qaar ka mid ah hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka sida madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland C/wali Gaas iyo maamulka Puntland Axmed Madoobe,waxaana horay Muqdisho ugu sugnaa madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh.
Hoos Ka Dhageyso Codka;