Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay inay dileen xubno ka tirsan Ururka Shabaab, kadib dagaal ay ku qaadeen deegaano ay ku sugnaayeen Shabaabka.
Warkaan ayaa waxaa sheegay Sarkaal lagu magacaabo Cismaan Nuux Xaaji oo ah Taliyaha ammaanka Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, xilli uu la hadlaayay Idaacada Goobjoog.
Wuxuu sheegay Sarkaalkaan in ciidamada Dowladda ay weerareen tuulo hoostagta Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, oo Shabaabka ay ku sugnaayeen waxa ayna dileen ayuu yiri Xubno Shabaabka kamid ahaa.
“Dagaalkaan waxaa qaaday ciidamada dowladda, anaga wax khasaare nasoo gaaray malahan wiil ayaa dhaawac fudud naga soo gaaray oo kaliya, meelihii Al-shabaab fadhiyeen wey ka carareen, waxaana cad in khasaare soo gaaray, waxaana ka dilnay 10 qof maleeshiyaad ka badan” Ayuu yiri Taliyaha.
Hadalkiisa intaasi wuxuu raaciyay in ay dhawaan rajeynayaan in Kooxda Shabaab ay ka saaraan deeganada iyo Degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo, oo wuxuu leeyahay abaabul ciidan ayaa socda.
Dagaalkaan Saraakiisha guulaha ay ka sheeganayaan ayaa wuxuu dhacay shalay galab, sida Sarkaalkaan uu xaqiijiyay, balse lama ogaan karo khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.
Kooxda Shabaab ayaa maalmahan waxa ay la kulmaysaa jab kala duwan oo kasoo gaaraya duqeymo lagu garaacay iyo dagaalo lala galayo.