Turkiga oo waqti dheeraad ah siiyay ciidanka ka jooda Badda Soomaaliya

0

Barlamaanka dalka Turkiga ayaa waxa ay isku raaceen in ay balaariyaan howlgalka ciidamadooda bada ee ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo la dagaalamaya kooxda Burcad badeeda Soomaaliya.

Sanad dheeraad ah ayaa ciidamadaasi loogu daray kuwaasi oo iyagu howlgallo ka sameenaya xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadan.

Sanadii 2009-kii ayuu ogolaaday Barlamaanka Turkiga in askar uu ku biiriyo howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda.

Sanadii 2008-dii ayuu ogolaaday golaha amaanka in Turkiga qeyb ka noqdo howlgalka burcad badeeda ka dhanka ah.

Xubin ka tirsan xisbiga cadaalada iyop horumarinta ayaa ka hor sheegay Barlamaanka in talaabo muhiim ah ay qaadeen.