War saxaafadeed Nisa Ayaa Uqornaa Sidan Hoose.
Muqdisho: 04-Feb-2015. Kadib wada shaqeyn dhexmartay Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibo caalami ah ayaa waxaa 31-Janaayo saacadu markey aheyd 5:00Pm. lagu dilay weerar xaga cirka ah Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Shabaab.
Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay ( Yuusuf dheeg),oo sidoo kale isticmaala magacyo kale, oo ay wehliyeen Horjooga yaal kale ayaa la xaqiijiyay ineey ku geeriyoodeen Duqeyn xaga cirka ah oo ka dhacday meel u dhow dagmada Diinsoor.
Horjoogahan isticaala magacyada badaban ee Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay ( Yuusuf dheeg) ayaa sidoo kale ahaa isku duba ridka iyo qorsheeyaha weerarada Gaadmada ah ee gudaha dalkeena iyo waddamo dibaddaba lagu qaado, isagoona ahaa maskaxda ay ku duulaan kooxda.
Wuxuu diyaarin jiray Qaraxyada isugu jira is qarxdinta isalmarkaana waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu ahaa udub dhaxaad ka Horjooga yaasha fara ku tiriska ah ee kooxdaas sii burbureysa ee Al-Shabaab ka haray.
Ilaa hada maheyno weerarkaas Duqeynta ah kadib dad shacab ah oo wax ku noqday.
Tani waxey daliil buuxda u tahay Qorsha yaasha Hayadaha Amaanka dalka uga dagsanaa ciribtirka iyo Baabi inta kooxd gabalkeedu sii dhacaayo ee Al shabaab..