Dhageyso:Guddoomiyaha Galgaduud oo sheegay in shirka Dhuusamareeb uu muhiim u yahay dhammaan beelaha

0

 

Guddomiyaha gobalka Galgaduud Xuseen Cirfo ayaa sheegay in uu muhiimad gaar ah leeyahay shirka beelaha ee ka soconaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgauud.

Cirfo ayaa sheegay in shirkani ay ku wada hadlayaan masuuliyiinta iyo waxgaradka beelaha gobalada dhexe, waxaana jira ergo badan oo ka timid waqoyiga gobalka Galgaduud oo ay degto beesha Sade.

“Shirku waa mid lagu heshisiinayo beelo Soomaaliyeed hadde wanaaggiisa waad dareemi kartaa colaad baa jirtay colaaddaas ayaana rabnaa in la hakiyo” ayuu yiri Cirfo.

Waxaa sidoo kale la dhowrayaa in masuuliyiinta iyo waxgaradka beelaha kale ay yimaadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Halkan ka dhageyso cod: