(Dhageyso) Maamulka Degmada Kaaraan Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qasaaraha Ka Dhashay Qarax Degmadaasi Ka Dhacay.

0

Maamulka degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Qarax Miino oo saaka ka dhacay degmadaasi, kaasi oo waxyeelo soo gaarsiiyay askar iyo dad shacab ah.

Axmed Xasan Yalaxoow oo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in gaariga uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada xooga dalka, islamarkaana gaariga uu yaalay banaanka gurigiisa kaas oo ku dhaw saldhiga degmada Kaaraan.

Dhimashada 1-ruux ayuu xaqiijiyay gudoomiyaha iyo dhaawaca 7-kale oo isugu jira dad shacab ah iyo ciidan halkaasi ka dhawaa.

Gaariga Miinada qaraxday lagu xiray ayaa ah nooca Kaaribta loo yaqaano, waxaana gudoomiyaha Kaaraan uu sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.