Maamulka Somaliland ayaa hubkii ka dajiyey Markii 24kii bishii January ku soo xirtay dekeda Berbera oo Somaliland sheegtay in uu si sharci daro ah hubkan u soo galay xeebahooda.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa ka qayb galay xalay dejinta hubkan oo sida la sheegay ay ka mid yihiin gaadiidka dagaalka oo labo ka mida yihiin kuwa aan xabada karin, qoryaha culculus, Doon iyo Qaybo kale oo hubka mid ah.
Somaliland ayaa sheegtay in hubkan ay ku haynayaan gudaha Somaliland ilaa ay soo geba-gebaynayaan baaritaan uu sheegay Waran Cadde in ay ku ogaanayaan cida Hubkan iska leh, Waxay Somaliland ganaax ku rogtay sida la sheegay markan oo lagu magaaacabo MV-Shaakir oo ah markab ganacsi.
Dawlada Puntland ayaa todobaadkan sheegtay in Hubka ay iyagu laso dageen waxaana ay sheegtay uu liddi ku yahay amaanka Mandaqada Geeska Afrika iyo Cunaqabataynta Hubka ee saaran Soomaaliya,waxaana Puntland ay ka digtay in Hubku uu gacanta u galo ururka Shabaab oo Puntland ay sheegtay inay xiriir dhow la leeyihiin Soomaaliland.
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan cunoqabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Ereteeriya ayaa sheegtey in Somaliland u diidey in ay booqdaan markabka hubka sida dhankalana Dowlada Federaalku way ka gaabsadeen iney ka hadlaan hubka ka dagay Soomaaliland.