Dhageyso:Guddoomiye Cirfo ''Shirka nabadda Dhuusamareeb waxaa u dhan beelaha gobalada dhexe''

0

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa rajo dib u heshiisiinta ah ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolkaasi, wanaagsan ka muujiyay in Colaadihii dhex maray Beelaha Gobolkaasi lagu soo afjaro shirka.

Gudoomiye Cirfo ayaa Tilmaamay dhinaca kale inay socdaan wada xaajoodkii lala furay Garab ka mid ah Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Dagaalka la galay Ciidamada Dowladda ee Jooga Gobolka Galgaduud kuwaasi oo uu tilmaamay inay wada hadalkoodu meel wanaagsan marayaan.

Dhuusamareeb waxaa hadda ku shirsan beelaha Mareexaan iyo Ceyr waxaana guddiga shirka iyo ka qeyb galayaashuba ay sheegeen in beelaha kale ay imaan doonaan.

Halkan ka dhageyso: