Gudoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Maxamed Axmed Xaashi ” Qoslaaye” Ayaa digniino u diray dadka Masuulka ka ah dhulalka banaan ee ka baxa geed yahuudka ee ku yaalla Xaafada Degmada Heliwaa.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrintaasi ay horay digniino ugu soo saareen Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Degmada isla markaana lagu ganaaxi doono cidii 10-Maalmood gudaheeda isaga jari weyso Geed yahuudka Hal milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.
Waxa uu intaasi ku daray in ay jiraan dad amarka u hogaansamay oo si dhaqso ah isaga jaray geedkaasi ayna aad ugu mahad celinayaan ka Maamul ahaan ayna ku amaanay sida ay ugu hogaansameen amarka, waxa uu xusay in Shacabka loogu baahan yahay in ay Masuuliyad gaar ah iska saaraan Jarista geed yahuudka Ama Cali garoobka.
Gudoomiyaha Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi ” Qoslaaye ” ayaa ugu dambeyn Shacabka Degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan hormarka Degmada, ka shaqeynta amniga, soo celinta bilicda Degmada Heliwaa, Nadaafada, iyo la shaqeynta Ciidamada amaanka.