Kulan aad mihiim u ah oo ay isagu yimaadeen wax-garad ka mid ah beesha Sade ayaa 30.1.2015 oo ku beegneyd maalintii Jimcaha ahayd ee ina dhaaftey waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb-galey siyaasiyiin, aqoonyahanno, cuqey, nabaddoono, Culummaa’uddiin iyo qeyba kale oo wax-gal ah oo beesha Sade ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Waxaa kulan aad looga dooday mihiimadda uu leeyahay iyo sida ugu habboon ee looga qeyb-gali lahaa iyo waliba waxyaabaha looga hadli doono wajiga labaad ee Shir-weynaha midnimo ee magaalada Garbahaarey.
Waxgaradkii ka qayb-galey kulankaan ayaa waxaa ay aad diirada u saareen cidda ka qayb- geli doonto wajiga labaad ee Shirweynahaan, waxaanna dood iyo falanqayn dheer kadib la isla meel dhigey in wajiga labaad ee shirweynaha midnimo oo markii hore la rabey in loogu yeero dhammaan beelaha dega Jubbooyinka uu haatan noqon doono mid loo qabto beesha Sade oo qura.
Ujeedadda ka dambeysa in wajiga labaad ee shirweynaha midnimo uu noqdo mid beesha Sade loo qabto ayay wax-garadku ku sheegeen in wajagii koowaad Shir-weynaha midnimo uu ahaa mid aaney Beeshu u wada dhameyn.
Waxaa kulankaan sidoo kale la isku af-gartey in wajiga Saddexaad ee shirweynaha midnimo uu noqon doono mid loogu yeero ama ay kasoo qayb-galaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Jubbooyinka.
Waxaa waxgaradkii kulankaan ka qeyb-galey ay ugu dambeyn baaq uga direen dhammaan beel-weynta Sade meel kasta oo Joogto, ayagoo ku wargeliyey in shir-weynaha midnimo 2 uu yahay mid quseeyo beesha Sade oo qura, loona baahan yahay iney kasoo qayb-galaan.
Geba-gabadii kulankaan ayaa waxaa ku dhammaadey jawi xambaarsan farxad iyo isfahan kaasoo dhammaan wax-garadkii ka qeyb-galey ay aad muqsuud oga wada ahaayeen, waxaana ay dhammaantood halkaas ka muujiyeen taageerada ay u hayaan wajiga labaad ee shirweynaha midnimo ee haatan ka furmaya magaala madaxda Gobalka Gedo ee Garbahaareey.
Daahir. F. Afdheere
Email. Owsame1@yahoo.com