Faah Faahin:- Iskahorimaad khasaare geystay oo ka dhacay Gaalkacyo.

0

Dableey ku hubeysnaa Qoryaha AK47 ayaa waxay ku dagaalameen Xaafado ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Qeybta Maamulka Galmudug ayaa waxa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iskahorimaadkaasi mid geystay dhimasho iyo dhaawac.

Iskahorimaadka lama ogaan karo waxa uu ka bilowday waxaase dadka deggan Meesha lagu dagaalamay ay sheegeen in jawiga uu saaka yahay mid deggan.

Inta la og yahay hal ruux ayaa ku dhintay iskahorimaadkaasi iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 qof waxaana mas’uul katirsan Maamulka Galmudug uu sheegay in kooxdii dagaalantay ay gacanta ku dhigeen.

Dadka qaar ee deggan Gaalkacyo waxay gacanta ku heystaan Hubka taasi oo mararka qaar keenta inay dagaalamayan maleeshiyaad qaab beeleed isku beegsada.