(Dhageyso+Sawirro) Cagaf Cagafyo Casri ah oo laga keenay Dalka Turkiga oo maanta lagu soo bandhigay Afgooye.

0
Bandhigan maanta ka dhacay Beerta Jambaluul ee degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha Hoose, ayaa ujeedkiisu ahaa soo bandhigista qalab iyo Cagaf Cagafyo cusub oo dhinaca beera ah taasi oo loogu talo galay beeraleyda gobolada dalka si ay uga faa’iideystaan islamarkaana ugu adeegsadaan tacbashada beerahooda.Qalabkaan oo noqonaya qalabkii ugu horeeyay ee laga keeno Dalka Turkiga lana soo gaarsiiyo Soomaaliya ayaa ka koobna Cagaf cagafyo, iyo agabyo kale oo loo adeegsado tacbashada Beeraha kuwaas oo dhamaantood ah kuwa dalka ku cusub.

Munaasabad lagu soo bandhigayay qalabkaan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay beerta Jambaluul ee Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana ka soo qeyb galay Masuuliyiinta Shirkadaha Jubba Agro iyo Armatrac oo ah shirkadaha dalka keenay qalabkaan casriga ah,

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay beeraleyda gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha dhaxe, masuuliyiinta qaar ka mid ah Bankiyada sida Dahabshiil Bank International DBI, Premier Bank, iyo Salaam Bank, , masuuliyiinta Jaamacadaha Daarul Xikma iyo Jazeera, iyo shirkado ganacsi oo si gaar ah loo leeyahay kuwaas oo dhamaantood daneeynayay qalabkaan cusub ee la soo bandhigay.

Prof Xuseen Macoow oo ah gudoomiyaha SATG ayaa wuxuu sheegay in beeraleyda Soomaaliyeed ay aad u soo dhaweynayaan qalabkaan cusub ee la soo bandhigay isla markaana ay ka faa’ideysan doonaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guud ee Armatrac Cabdulqaadir Saciid Qaasim oo gabagabadii madasha ka hadlay ayaa marka hore ka sheekeeyay sida qalabkan ay ku soo gaarsiiyeen dalka, isagoo sharaxay muhiimada qalabkaan uu u leeyahay beeraleyda dalka.

Gudoomiye Cabdulqaadir ayaa balanqaaday ineey marwalba garab taaganyihiin beeraleyda Soomaaliyeed isla markaana ay diyaar u yihiin cid walba oo ka faa’ideysaneysa qalabkaan ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan.

Gabagabadii munaasadabada ayaa ka qeyb galayaasha loo soo bandhigay qalabkaan oo si tijaabi ah looga howlgeliyay beer macmal ah oo ku taala degmada Afgooye.

Hoos Ka Dhageyso Cod:
Hoos Ka daawo sawiradda:
IMG_EA7950-20D69A-A7EC26-5E4ACC-B68BFA-EDEB66 IMG_E08017-509FFD-87FE6B-FB5E58-8E0585-B31A6C IMG_DEB62A-761F07-7F6DCF-3A045D-E96EE4-E65FD3 IMG_D905F7-262831-0D5FBA-F89D8C-316FB4-BA006C IMG_C33C97-149D19-06C90B-1485A5-C2B0BB-26FC81 IMG_C8ECE0-9EACBA-B3B495-8986E6-FA2F12-595EDD IMG_A45C7A-BE0E99-9D9D45-356604-FABC1B-842DBA IMG_42030C-FDE44D-6F2161-C73896-AA5E4A-2713A4 IMG_96E491-B9BF57-55A276-4C0B11-FE3F71-8AB4FA IMG_83C4CA-A64E4F-8F39CE-442F45-CD01B5-ED7EE1 IMG_42F47C-3200F9-D32F2B-3CDDC4-2E494C-D3FDF2 IMG_30E63A-B690FA-570B34-4592A7-65F44E-B112FD IMG_5BB597-21A360-70BF7F-2B5856-F5BCAB-A0B6C1