Wararka ka imaanaya maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxya sheegayaan inuu ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay koox burcad badeed ah sida loo malaynayo oo ku sugan halkaasi.
Iska hor imaadka ayaa ka dhacay Koonfurta Magaalada oo ay ka arrimiso dowladda Galmudug, waxaana lagu soo warramayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Iska hor imaadka ayaa la sheegay in uu dhex maray Koox Burcad ah,iyadoona uu ku Nafwayay hal Ruux Saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Maxuyadiin Yuusuf Samatar oo kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaar kamid ah Kooxdii Burcadka aheyd la qabtay islamarkaana Xaaladu ay hada dagan tahay.
Halkan ka dhageyso codka: