(Dhageyso) Dowlada Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo heshiis ku Kala saxiixday Muqdisho.

0

Wakiilo ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kulamo la qaateen Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa Kulankooda waxa ay kaga hadleen arrimo ay ka mid tahay sidii Ururka Iskaashig Islaamka uu gacan uga geysan lahaa dib u dhiska Safaaradaha Soomaaliya ee dalka Dibadiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay Dowladda Soomaaliya kaalmada Caalamka iyo in lagu  caawiyo dhismaha Safaaradaha si ay uga qeybqaadato xiriirka Caalamiga ah iyo midka dhinaca Diblumaasiyada ee Soomaaliya.

Heshiiskaan waxaa Ururka u saxiixay Dr Maxamed Yaxye Mufrax oo dhinaca dhismaha u qaabilsan Iskaashiga Islaamka halka uu Wasiir Beyle u saxiixay dhinaca Soomaaliya.

Xiriirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa loo arkayay labadii sano ee lasoo dhaafay mid soo hagaagayay.

Hoos ka dhageyso warbixin.