Guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Ilka Xanaf oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegey in dalka lagu shaqeeyo sidii dalka in uu ku jiro xaalad degdeg ah, balse uusan jirin sharcigii arrintaasi loo tixraaci lahaa.
Mar uu ka hadlay dadka lasoo xiro ayuu sheegey in ay qalad tahay in ciidamada nabad suggida ay dadka soo xiraan “Cidda awood u leh in ay cidda xidhaa waa booliiska, ciidamada kale ee nabad galyada gacan waa siin karaan, nabad suggida waa ay ku shuqul leedahaya, laakiin waa wardoon” ayuu yiri
Wuxuu kale oo sheegey in marka xaaladda caadiga ah uu dalka ku jiro in ay gef tahay in dad badan la’iska soo qabqabto, kadibna la yiraahdo waa la kala saarsaarayaa.
Ilka Xanaf ayaa farta ku fiiqey in la’aanta maxkamadda badbaadaya iyo waliba nidaamkii hoose ee caddaalada ay taasi keentey in ay dhacaan xad gudubyo badan.
Mar wax laga weeydiiyey hadal dhawaan kasoo baxay xeer illaalinta oo ahaa in dadka ku jira xabsiyada ay u badanyihiin kuwa laga tirada badanyahay ayuu sheegey in hadalkaasi uusan munaasab ahayn in saxaafadda laga sheego, kaliya nin siyaasi ah uu hadalkaasi dhihi karo.