Mudane Xasan Garruun Diiriye oo shir jaraaid ku qabtey Magaalada Karlsruhe ee Wadanka Jarmalka kana mid ah Siyaasiiyiinta ka soo jeeda Gobolladda Gedo,Galgaduud & Jubooyinka ayaa ka hadlay shirka Midnimo 2 ee ka socda Magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbaaharay.
Mudane Xasan Garruun waxaa uu tallo muhiim ah u jeedinayaa Dhamaan Qabanqaabiyaasha Shirka,waxaana uu ugu baaqay inay ka sheegeyaan sidii shirkaasi looga miro dhalin laha,waxaana uu ku baaqay in Shirkan talaabadiisa kowaad laga dhigo Qodobadan hoos ku xusan:
1. In dhamaan dadka soo jeeda gobolladda Gedo & Jubooyinka laysugu keeno isla markaasna ay yeeshaan Mawqif Midaysan,waxaana uu ku baaqay in Shirkaasi lagu koobo sidii dhibaatada looga saari lahaa dad ka ku dhex gobolladda Gedo Iyo Jubooyinka isla markaasna ay u yeelan lahayeen hal mawqif oo mideysan.
2. In Dhamaan Siyaasiyiinta & Aqoonyahanadda ka soo jeeda Goboladdaasi ee ku dhaqan dalka dibediisa Iyo Gudihiisa Shirkaasi lagu martiqaado isla markaasna laga soo qayb gasho si looga wada hadalo sidii Siyaasad ahaan iyo aqoon ahaan dadka ku dhaqan goboladaasi ay dhibaatada looga saari lahaa.
3. In Dhamaan dadka dega goboladaasi ay yeeshaan mawqfi mideysan oo ku aadan sidii ay dhibaatadda uga bixi lahayeen isla markaasna ay meel uga soo wada jeesan lahayeen wixii dhibaato ku wada degaanadooda.
4. In Dhamaan Jaaliyadaha ku dhaqan dalka Dibediisa ee degaanadaas ka soo jeedaa ay tageeraan Shirkaasi isla markaasna Naf iyo maal u huraan sidii shirkaasi looga miro dhalin lahaa isla markaasna dadka ku dhaqan gobolladda Jubooyinka Iyo Gedo looga saari lahaa dhibaatadda haysata.
Ugu dambeyntii Xasan Gaaruun Diiriye waxaa uu ku baaqay kuna celceliyey in shirkaasi laga miro dhaliyo isla markaasna wax kasta oo turxaan ah isla markaasna Dadka dega goboladda Jubooyinka Iyo Gedo looga saari loona mideyn lahaa laga fekero laguna dadaalo ka miro dhalinta Shirka Midnimo 2 ee Garbaharay.
Dalmar Aadan Muse,
Karlsruhe, Germany.