Macalin Montpellier: ''Markaan Maqlay Mourinho Oo Leh 2 Ama 3 Xiddig Oo Fiican Ayaa Iga Maqan, Qosol Ayay Feeraha Ila Xanuuneen''

0
Tababaraha kooxda horyaalka Faransiiska ee Montpellier Rolland Courbis,ayaa soo jeediyay in shaqada uu qabtay xilli ciyaareedkan inuu fiican si la mid ah tababarayaasha kale ee Yurub oo uu ku jiro Jose Mourinho.
Macalinkii hore ee Marseille ayaa ku hogaamiyay kooxda Montpellier kaalinta lixaad ka dib markii uu ka soo badbaadiyay inay ka haraan horyaalka xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu soo jeediyay in xitaa tababaraha Chelsea uusan qaban Karin shaqadii uu qabtay.
“Markii aan imid Montpellier 18 bilood ka dib markii ay qaadeen horyaalka, kooxda ay waxa ay aheyd mid kala daadsan. Daafac adag ma jirin, ma jirin weerar saameyn leh, kalsoonida kooxdana waa ay burbursaneyd” ayuu u sheegay Le Parisien.
“Weydii Loulou [Milkiilaha Montpellier Louis Nicollin] haddii Mourinho uu qaban karay shaqo teyda ka fiican. Ma hubo inuu qaban lahaa.
“Waxaan maqlay Mourinho oo kooxdiisa ay shan gool ka dhalisay Tottenham iyo afar gool ay ka dhalisay Bradford oo leh inay weli ka maqan yihiin labo ama seddex ciyaaryahan oo fiican. Waxaan u qoslay si weyn waxaana ku dhawaaday in feeraha I jabaan.”