Hay,adda NCA oo Gobolka Gedo ka bilowdey Barnaamij la dagaalanka iyo Baraarujinta Gudniinka Fircooniga(Sawiro)

0
Hay,adda NCA oo Gobolka Gedo ka bilowdey Barnaamij la dagaalanka iyo Baraarujinta Gudniinka Fircooniga(Sawiro)Hay,adda NCA oo Gobolka Gedo ka bilowdey Barnaamij la dagaalanka iyo Baraarujinta Gudniinka Fircooniga(Sawiro)
Hay,adda Samafalka NCA ee fadhigeedu uu yahay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka waxay ka bilowdeyBarnaamij balaaran oo la xariira la dagaalanka iyo joojinta Gudniinka Fircooniga  oo dhibaatooyin xoogan ku haya haweenka Gobolka,iyadoo Barnaamijkani oo socon doono mudo labo sano ah ayey Hawl wadeenada hay,adda waxay ku sheegeen ujeedadu in ay tahay sidiigebi ahaanba loo joojin lahaa gudniinka fircooniga oo hablaha ku dhqan Gobolka ay kala kulmaan dhibaatooyin xilliga dhalmada.
Abuukar Sayid Aden oo ka mid ah Hawl wadeenada Hay,adda NCA ee Gobolka Gedo oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay sanadkii ugu dambeeyey iyo sanadkan Cusub in ay ka bilaabeen qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka nashruuc balaaran oo looga hor tagayo waxyeelada inta badan ka dhasha gudniinka,isagoo sheegayna maalmahii ugu dambeeyey in ay wacyi gelin balaaran ay u sameeyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada,dhibaatooyinka ka dhasha Gudniinka fircooniga oo ay ka mid yihiin,isku furanka Saxarada iyo kaadida,Taranka dhalmada iyo midka Galmada iyo weliba haweenka oo ay ku adkaato xilliga dhalmada.
Aabuukar ayaa sheegay maalmo ka hor iyagoo kaashanaya Hay,adda Trocaire in ay dhibaatooyinkaasi in ay u diiwaan geliyeen haween gaaraya ilaa 21,balse ay adeegyo caafimaad u qabteen ilaa 13 gabdhood oo da,doodu ay dhaxeyso 19 sanno jir ilaa 39,kuwaaai oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen degmooyinka Luuq,Garbahaarey iyo Baladxaawo.
Haweenka ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa inta badan dhibaatooyinka Caafimaad ee ay la kulmaan ayaa waxaa ugu daran xaanuuno soo wajaha xilliga dhalmada iyo isku furanka Saxarada iyo kaadida,Taranka dhalmada iyo midka Galmada,iyadoo dhibaatooyinkaasina dhaqaatiirtu ay ku tilmaameen in ay sabab u tahay gabdhaha oo loo gudo habka gudniinka fircooniga ah.
IMG_2533 20150109_143739_resized_1 20150109_143840_resized 20150109_145156_resized (1) 20150109_145156_resized