(Dhageyso) R/Wasaaraha oo soo dhaweeyay go'aanka xildhibaanada baarlamaanka.

0

Muqdisho, 17, January, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku aqbaleen codsigiisii 16/01/2015

 

ee dib ula noqshada magacaabidda Xubnaha Gollaha Wasiirada cusub, isagoo qadarinaya dareenka iyo shucuubta Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo talooyinka guud ee ka soo gaaray bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saxaafada la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu dib ula noqonayo magaacabista golaha wasiirada, isagoona timaalmay in uu ahaa go’aan geesinimo leh, oo ka turjumaya danta qaranka iyo muujinta xasilooni siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sheegay in uu go’aansaday in dib-u-eegis ku sameeyo Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay 12-kii Januray 2015. Isagoo dareensan muhiimadda ay leedahay in tixgalin gaar ah la siiyo afkaarta kala duwan ee Xildhibaanada kadibna uu soo bandhigi doono Xukuumad hanan karta kalsoonida baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan tixgelin siiyay talada Xildhibaanda ee ku aaddan golihii aan soo magacaabay, waxaan ku sameeyay dib-u-eegis go’aankii aan ku magacaabay xubnaha golaha wasiirada. Waxaan soo dhisayaa xukuumad aan wadatashi ballaaran kala sameeyn doono madaxda qaranka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaan mudnaanta siinayaa danta guud ee qaranka, waana midda kaliya ee lagu xaqiijin karo in dalka la gaariisyo hiigsiga 2016” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke.

“Xukuumada aan soo dhisayo waa mid looga fadhiyo in ay gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed adeegyada waxbarashada, caafimaadka, sugidda amniga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo xasilinta dhaqaalaha dalka. Waxaa shaqada sii wadaya golihii hore inta lasoo dhisayo Xukuumad badasha si howlihii socday hakad u gelin” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid waxaa uu muddada 14-ka maalmood ee baarlamanku ay ka aqbaleen uu ku dhaqaaqi doonaa wadatashiyada si loo dhiso Xukuumad kasban karta taageerada iyo kalsoonida Golaha Shacabka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka: