Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka IGAD oo Maanta soo Gaaray Muqdisho (SAWIRRO+COD).

0

Wasiirrada arrimaha dibadda waddamada IGAD ayaa intooda badan waxay gellinkii dambe ee maanta soo gaareen Muqdisho, iyadoo ammaanka garoonka iyo waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho si aad ah loo adkeeyay.

Wasiirrada waddamada Bariga Afrika ee gellinkii dambe ee maanta soo gaaray Muqdisho waxaa ka mid ah; wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom, wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed, kuwa Sudan, Uganda iyo Koonfurta Sudan. Waxaa kaloo wehliyay wasiirradan xogyahaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin.

Dalalka IGAD ayaa waxaa berri oo Sabti ah uu shir uga furmayaa Muqdisho iyadoo saaka uu Muqdisho soo gaaray wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirka dalalka IGAD ay ku yeelanayaan Muqdisho oo ah kii 53-aad ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo caasimadda Soomaaliya, iyadoo la filayo inuu furo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAGEYSO: SHIRKA JARAA’ID EE WASIIRRADA WADDAMADA IGAD 

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Dr .Tedros Adhanom, xoghayaha guud ururka IGAD, Maxbuub Macalin iyo sii hayaha xilka wasaaradda arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay.

Bayle ayaa sheegay in shirkii ugu dambeeyay ee IGAD oo Muqdisho lagu qabtay uu 1985-kii ka dhacay, kaasoo uu xusay inuu ahaa mid ay isugu yimaadeen xoghayahaasha guud ee dallaka ururka ku bahoobay, laakiin midkan waa mid ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha dibadda dalalka IGAD, sharaf weyn ayayna Soomaaliya u tahay.

Dr. Tedros Adhanom oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in wasiirrada maanta soo gaaray Muqdisho ay ka kooban yihiin; Itoobiya, Kenya, Uganda, Koonfurta Sudan iyo Suudaan, ayna ku faraxsan yihiin inay shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, shirka IGAD ay ku yeelanayaan Muqdisho ayaa ha kii ugu horreeya oo dalalka ururkan ay ku yeeshaan Muqdisho tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Hoos Ka Daawo sawirada:

2015196355639568080500042 2015196355639569881427098 2015196355639570825303367 2015196355639571824340689 2015196355639572492425213 2015196355639573991727335 2015196355639574914526104 20151963556395826825965313 20151963556395836414841114 20151963556395853661599510 20151963556395950364428812 2015196355639596612493546 20151963556395976798499215 RADIO SHAC AB NEW