WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

0

Baydhabo, AGGM: Magaalada Baydhabo ayaa goor dhow waxaa gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxwenaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxaana ka sii horeeyay xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inuu goordhow si rasmi ah uu u furo shirka maamulka loogu samaynayo gobalada koofur galbeed oo saaka ka furmaya magaaladaasi.

ALLGALGADUUD KALA SOCO WIXII KU SOO KORDHAA WARKAAN.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com