In ka badan 40 nin oo laga qab qabtay Degmada Hawlwadaag

0

Hawlgal laamaha ammaanka ay xalay ka fuliyeen xaafada Shanta Geed ee Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay ku soo qab qabteen ugu yaraan 40 nin, oo looga shaki qabo Shabaabnimo.

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida oo la socday toddobo gaari oo nooca Cabdi Billaha ah, ayaa waxay fiidnimadii xalay ay hawlgal kaga fuliyeen xaafada Shanta Geed.

Ciidamada, ayaa waxay dadka ka qab qabanayeen wadooyinka, iyagoona gaaray Masaajidka Shanta Geed, inkastoo aynaan gudaha u gelin Masaajidkaasi, balse waxay tiro dad ah ka qab qabteen maqaaxiyadaha ku yaala naqaaxiga Masaajidkaasi.

Goobjooge, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Nabad Suggida ay indhaha iyo gacmahaba ka xir xireen raggii ay hawlgalka ku soo qab qabteen, isla-markaana ay si koox koox ah u istaajiyeen wadooyinka.

Goobjoogaha wuxuu kaloo sheegay in Nabad Suggida ay dadkaasi ku kaxeysay gaadiidkii dagaalka ee ay wateen, isla-markaana ay ula dhaqaaqday dhinaca Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Nabad Suggida, ayaa Xarun ciidan ku leh Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, waxaana xilliyada qaarkood lagu kala saaraa ragga Shabaabka looga shaki qabo iyo kuwa kale ee aanu ka tirsanayn.

Hawlgalka waxa uu u muuqday mid lagu xaqiijinaayo ammaanka Degmadaasi, iyadoo Axadii uu Gudoomiyaha Degmada Hawlwadaag Axmed Nuur Cali Siyaad uu sheegay, in ay hawlgalada ka sii wadi doonaan Degmadiisa.