Top News:Maleeshiyaadki Raaskambooni Oo Isaga Soo Yaacay Buula Gaduud Iyo Ciidamadi Kenya Oo Kaligood Ku Haray Furinta.

0

Kismaayo, AGGM:Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Kismaayo aya waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaadki Raaskambooni uga sugnaa deegaanka Buula Gaduud ay isaga soo yaaceen furinti halkaas oo ay ku hareen ciidamada Kenya.

Ilo Wareed u waramay Warbaahinta Allgalgaduud Media oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadi Kenya iyo Maleeshiyaadki ka tirsanaa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee dhawaan gaaray deegaanka Buula Gaduud ay falaagada Al Shabaab kala kulmeen iska caabin iyo daagaalo gaadmo ah oo joogto ah oo qabsaday awgood ay furimihii ay uga jireen deegaanka Buula Gaduud soo baneeyeen intoodi badneed maleeshiyada Raaskambooni dibna ugu soo laabteen magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in dagaaladan jab xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaasna looga qabsaday gaadiid dagaal iyo hub fara badan ay soo gaareen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinaca kale Waxaa caawa bandow ah gabi ahaan magaalada Kismaayo, waxaan istaagay gabi ahaan socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana magaalada ka muuqda jawi ka gadisan jawiyadi hore.

Isku soo wada duuboo tan iyo markii howlagadan biloowdeen waxaa muuqda inaysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray dagaalada ka dhanka ah ururka aragagixisada ah ee Al Shabaab ee xooga ku haysta deeganaada gobolada Jubbooyinka, dhacdadan ayaa waxaa ay jab iyo fadeexad wayn ay ku tahay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ee dhabarka ku sita maleeshiyo beeleed aan lahayn wax awood ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com